Gabadhii aan jeclaaday baan gacalooyin tilmaami
gabayna waan ku taswiiriye
bal geeraarkaan tirindoono
go'aankiisa dhagaysta.
DHEERARKEEDA
Geritaagan sidiisa ma galuubani dheera,
mana sii gaba-laaxdo,
sarajooga ma gaabna,
ganbadhkii dheriyeed iyo galxano mayna ku oolin.
ITAALKEEDA
Golos weeye itaalka
,garba wayd aan macayniyo,
gaajo hays ma ahayn,
mana sii gofanoobin oo
ganaceedu ma buurna
,sida geenyo darmaanoo,
geenyo uugu nugaalsan
ama aan guradeeda la fuulin.
DHAXDEEDA
Ama aarkiyo goosha oo gooni meera ahaa,
ama gaaniga awrka oo gu'ga geela ku qooqay
oo gaana-dhiigta irmaaniyo
galoofteeda gudh-nayn had ba gees u dhax-qaadi,
in uu guuxo ha joogee,
geed caleen leh da'yeynin,
yaad gabadha moodi go'geeda,
gabalo weeye dhaxdeedu.
TIMAHEEDA
Markay guudka fidhayso,
oy gaydhadii Alle siisay ku galaasho saliida,
WAR ma goray guuxa haldhaayoo,
giddigii xalaytoole,
gabal-roob ku da'aayoo,arroortii gil-gishaa,
ma geed-baar la-lulaa?!
NAASAHEEDA
Labadii gun-buxood ee kaga tiiley gar-daadka,
iyaga oo is ku gaw ah oo gafuur dayli-madow
yay marada soo gujiyeen,
guduudkooda kaleetana midhihii garaskoo
,gu'kaliisha bislaadiyo goon la diiray la moodo,
walina goor'ay dhacaaniyo ma ayna gaadhin gabow
; waa gadaal bax macaaniyo gacab buuxis wanaagsan.
Maxamed Daarin Hassan Saahid
(Naxariistii Janno Alle haka waraabiyo) Aamiin