![]() |
Cumar (Ibraahin) Cawaale-ka hadhagaale news iyo C/xakiim Cigaale Cumar-ka ku xigeenka CMC |
Akhristow,
wali ma is weydiisay in qoraa barbarad ah uu u qaato qalin si uu u xaqiro ama
ugu geysto qabiil dhan aflagaado iyo handa'daad, wax aynan ka heysan isaga oo ka
doonaya is la markaasna qoraal dheer wakhti iyo shilimo ba ku bixiyay.Hadda ka horna waxa uu is barbar dhigay Cabdi Maxamuud Cumar iyo Cabdi Jibriil oo uu si xaq darro, eex qabiil iyo qabyaalad ku dheehan tahay ugu sheegay ninkiisa in uu yahay ceeb ka saliim. http://www.hadhagalenews.com/2015/06/halkan-kala-socoda-axmad-madoobe-iyo-cabdi-ileey-maxey-iska-shabbahaa%E2%80%8F/
Mustafe isaga oo ka duulaya deegaanadii ay Itoobiya dhawaan u gacangalisay Canfarta , deegaanadaas oo ay ka mid yihiin Cadaytu, Cundhufo iyo Gadhmalaw oo dhammaan ka tirsanaa Gobalka Sitti, haseyeeshee, hadda si rasmi ah oo xaqdarro ah u hoostaga maamulka Canfarta ayuu qoraalkan hoose ee uu ugu magacdaray: "Axmed Madoobe iyo Cabdi iley maxay is ka shabahaan?" ugu gafay Ogaadeen idil ahaantii.
Waxaa marag ma doonta ah, in soomaali u dhan tahay Gobollada Jubbooyinka, haba lagu xaq lahaado ama lagu lagu kala badnaadee, balse, in
muddo ah, waxaa soo ifbaxeysay in shacabweynaha ku dhaqan Gobollada Jubba, aysan
raalli ku aheyn habka loo soo xulay baarlamaanka maamulka Jubbooyinka, oo
intiisa badan ay qaateen dad ka soo wada jeeda hal beel, oo ah tan uu ka dhashay
Axmad Madoobe, inta kalena la duudsiiyay xaqoodii dastuuri iyo deegaan ay ku
lahaayeen.
Waxa
meesha ka cad in qoraagu uunan ba aqoon macnaha erayga "u dhanaansho" waayo
haddii uu garanayo maba u isticmaaleen Gobalada Jubooyinka in ay Soomaali oo
dhan u dhan tahay, taas oo macnaheedu noqonayo in uu Ciise, Isaaq iyo Samaroon,
iwm ay dagaan Gobalada Jubooyinka si ay u dhanaanshiyaha Soomaaliyeed ee uu ku
doodayo Mustafe loo saxo. In kasta oo dad saluugaya wali jiro saluuguna uu
yahay mid dabeecada aadanaha ah iyo in uu wax badsi raadsado- 71-ka xildhibaan-
Absame (Ogaadeen) waxa ay ka qaateen 21 xubnood oo deegaanadooda ay uga soo
baxeen. Halkan ka akhriso hadii ay ku baal martay. http://puntlandi.com/breaking- news-puntlandi-oo-heley-sida- loo-qoondeeyey-kuraasta- baarlamaanka-jubaland-iyo- madaxweynaha-dambe-oo-u- muuqda-inuu-gedo-ka- imaandoono/
"Qofkii
caddaaladda ka hadla, ma ka dhiidhinaya, waxaa lagula kacay, dil, jirdil iyo qafaal! Odayaal lagu laayay
kismaayo oo nabadoonno ah, oo ka soo horjeestay qorshaha guracan ee AHMED
MADOOBE, ABDI AFEEY IYO GABRE."
Qoraagu
barbaradku ma sheegin magaca hal qof oo kaliya oo inta ay cadaalad daro ka
hadleen ama ka dhiidhiyeen lagu la kacay gabood fallo ay ka mid yihiin dil,
jidhdil iyo qafaalasho ama odayaal lagu laayay Kismaayo ka dib markii ay
mucaaradeen Mudane Sheikh Axmed Madoobe, Danjire Maxamed Cabdi Afey iyo Gabre
waa sida uu hadalka u dhigee.
"
Siyaasaddan mid la mid ah ayuu Cabdi Maxamuud Comar (Cabdi Ileey) ka hirgeliyay
dowlad goboleedka deegaanka soomalida ITOOBIYA (Soomaali Galbeed), isagoo u
sameystay Ciidamo LYUU Police la yiraa, oo loogu talogalay markii hore in lagu
soo afjaro xooggaga ONLF ee xornimo doonka ah, kuwaasi oo qeyb ka mid ah ay
qaateen heshiis, inta kalena dagaal xoog ah lagu dhameeyo, haddase, loo
adeegsado, sidiishacabka loogu xasuuqi lahaa."
Ma jirto
siyaasad laga soo minguuriyay Jubaland oo ka dhaqan gali karta Jigjiga waayo dal
xor ah iyo dal aan xor aheyn la is ma barbar dhigi karo. Dabcan ciidamada
Liyuu-ga waxa loo sameystay in lagu xasuuqo gobanimodoonka Ogaadeen. 7-dii sano
ee ugu danbeysay waxa ay xasuuqayeen waa shacabka Ogaadeen, haseyeeshee, la ma
sheegin meel ay Ciise ku xasuuqaan ilaa imika. Meel ay ONLF isu soo dhiibtay
iyada oo hubkeeda ra'rana, lama hayo. Adigu ma noo sheegi kartaa
midaas?
Labada nin waa isku hayb (Qabiil ahaan), kumana haysanno ineey reerahaasi u dhasheen,
waayo, waa abuur Alle qof ma jiro awood u lahaa inuu doorto reerka uu noqonaayo,
balse, xikmadda ka dambeysa, maxay tahay, in loo adeegsado dulmi ay diinta
dhaqanka iyo qawaaniintu naga reebeen?.
Haa,
waa is ku reer waana sababta ka danbeysa ee aad ugu la duldhaceyso Sheikh Axmed
Madoobe qalafeydhnimada abuurka Allana awood aad ku fara galiso ma lihid-haddii
aad heli laheyd waad faragalin laheyd. In kasta oo aadan xusin , Mustafow waxa
ay dhaqanka iyo qawaaniintu naga reebtay oo uu Sheekh Axmed Madoobe Ciise ku
sameeyay; haddiise intaba la ixtiraamayo Ciise gabdhaha Ogaadeen ee cawradaha
ah inta uu saqdhexe miro uma soo gacan-galiyeen Itoobiya iyaga oo labiska hoose
aan xidhneyd si uu waji uga helo Tigray-ga. Cadeyn? Akhri https:// ahmedabdicomments.wordpress. com/2014/10/07/xasuuqii- ogaadeenka-ee-jabuuti-janaayo- 202011/ https:// ahmedabdicomments.wordpress. com/author/ahmedabdi2014/
"
2- Waxeyn ka mideysan yihiin inay ku shaqeeyan sidii ay beesha ay ka soo jeedaan
ugu abuuri lahaayeen colaad ballaaran, iyagoo
danahooda gaarka ah ku fushanayo ineey caamada u muujiyaan in arrinku yahay sida
ay u dhigayaan (TIME OF OGADEN)."
Haddii
uu saacu la jiro Ogaadeen maanta in badan ayay soo dhibtoodeen soona
halgameen,walina
way halgamayaan wax aan
xaqooda aheyna ma rabaan, caamo iyo culumana way leeyihiin Soomaalina cid ka
culumo badan lama sheegin. Iyada oo aan jirin colaad la abuurayo ayay Soomaali
colaad ku sargo'an isir naceyn Ogaadeen ayay ku la kaceen cid aan Ogaadeen godab
ka galina maanta Soomaali ka ma dhalan. Soomaalida qaarkeed iyo Ogaadeen
arinkoodu waxa ay la mid tahay sidii, hooyo ilmaheeda naas ku duweysa, isna uu
qaniinyo la boobayo.
"
Duudsiinta Xuquuqda shacab weynaha DDS ITOOBIYA iyo sidoo kale DUUDSIINTA
Xuquuqda Shacabweynaha ku nool Jubbooyinka, (Sida ka muuqata awood qeybsiga) waxaad ka garan kartaa in
labadan sare u xusan ay fidno abuur yihiin, balse, waxaa la yaab leh, in badi
laga aamusan yahay falalkooda gurracan dawlad iyo shacabba. Waxaan u jeedaa
Soomaali, oo Itoobyaan waaba dan ay leeyihiin, anna kama
sugayn."
Itoobiya
in aad ka soo quusatay waa wax aad afkaaga ku cadeynayso oo waa gartaa; in
badan ayaad daba muusanowday gidaarka ayaadna soo taabatay. Cida aad u habar
wacaneyso iyada ayaa Itoobiyaanka rabta adna waxba kuu ma tari karaan oo tooda
ayaa cusleysay haddii aadan meesha uga danlaheyn daladda Ismaaciil Cumarka
Jabuuti uu raadinayo oo kuu qarsoon. Ma jirto meel aan Itoobiya aan isku dano ku
noqonay-tan iyo Sayidkii Maxamed ahaa qadiyad Soomaalinimo ayaan dabada
haystaa.
"Dabadhilifnimo
iyagoo ku shaqeeya amarka KENYA IYO ETHIOPIA, ayaa
labadaasi dowladood, oo dano gaar ah kaleh soomaliya,waxey u arkeen in ay jaanis u tahay in la taageero nimankan,
maadaama ay yihiin dad ku soo hoos koray amar Kenyaati iyo Tigree, oo u dhago fudud fulinta amarrada la duldhigayo xaraf xaraf,
(Waxaa caddeyn u ah midna TIGREE wayaa wata, midna KENYA ayaa TANGI ku soo GELBISAY!)"
Mustafow,
Ogaadeen waa faraha badan yahayee, barasho kuu laaban.Ogaadeen waxa ay dagaal
kula jiraan Itoobiya taniyo ab ogaa, adiguse la ma sheegin dagaal aad ku la
jirto haddii ay muxaafidnimo ku dhisan daba'dhilifnimo noqotana adiga ayaaba
wada muxaafad ah marka laga reebo shakhsi iyo laba kaa mid ah.
Kenya
cid ay taangi ku soo galbisay ma jirto ee Libaaxyada Soomaaliyeed ee Ogaadeen
waxa ay ku la dagaalameen Ingiriis ...Khawaarijta Al-Shabaabna iyaga ayaa sanado
ugu jiray duurka si ay ugaga saaraan sidii qasabka aheyd; dhulkooda inta
hadhsana dhawaan filo. Tigray-ga cida u dhaga'nugul ee ay u higaadiso maanta waa
adiga waayo 20-kii ugu danbaysay ayaad dhagta hoorinaysay.
Isweydii Imisa Gobol ayuu Cabdi ileey u sameeyay
Reerkiisa (6 gobol iyo
bar –degmooyinkana lama sheegi karo, jilib jilib hoose ayuu degmo u siiyay) sida
Cadaaladda uu u arko, Shacab weynaha kale ee DDS ITOOBIYA imisa ayuu u sameeyay (2 gobol
–iyo bar(Liibaan oo Soomaliweyn ah iyo
Shinniile oo Ciise ah)
iyo Gobolka Jigjiga oo hadda gebi ahaan uu ku wareejiyay Beeshiisa, isagoo
dejiyay mashruuc ah dhulka ninkii dhisanaya aya dagaya, iyo Quruxinta Jigjiga,
iyo ma istaahisho Degmo. Xasuusta, aragtidan iyo dhaqankan oo kale, waxaa lahaa
Siyaad Barre."
Akhristayaasha
inta ay akhristaan qoraalkaagan u qaadanaya mid macnale waa kuwo noocee ah,
hadayna aheyn kuwa Hadhagaale website(http://www. hadhagalenews.com) bes
ah mooyee ma garanayo anigu, ileen isaga ayaan sumcadiisa u
baqine?!!
Jigjiga waa magaalo Absame qofka ka xun in la dhiso waa mid wanaaga neceb. Siyaad Barre, Soomaali badan waxa ayna ka warqabin cadaalad darada noocaas ah ee aad ku sifeysay, haddii uunan maanta is dufaaci karin ( Alle ha u naxariista marxuumku) soo warkaagu uma muuqdo mid meyd-garaac ah?!!
Jigjiga waa magaalo Absame qofka ka xun in la dhiso waa mid wanaaga neceb. Siyaad Barre, Soomaali badan waxa ayna ka warqabin cadaalad darada noocaas ah ee aad ku sifeysay, haddii uunan maanta is dufaaci karin ( Alle ha u naxariista marxuumku) soo warkaagu uma muuqdo mid meyd-garaac ah?!!
" Mid la mid ah mashruuca Cabdi Ileey ayuu ka
billaabay Jubbooyinka Axmad Madoobe oo sida uu yahay loo soo koobbi gareeyay, qorshaha iyo fulinta
Xaraf Xaraf, waxaan wada ogsoonahay in; SALAGLE OO AAN WALIGEEN
MAQLIN MEESHA DEGMO LOOGA DHIGAY iney dhahaan waa DEGMO!"
In
aad baadhis sameyso ayay aheyd inta aadan ka dhigin Salagle in M/weyne Sheeikh
Axmed Madoobe ka dhigay degmo, Salagle 2006-dii ayay degmo noqotay waxaana ka
dhigay Alle ha u naxariistee C/Laahi Yuusuf. In been la is ka caadeysto soo ka
ma wanaagsana in runta dadka loo sheego mise xaalkaagu waa been haddaadan
sheegin baabka laaban sheeg. Ma jirto siyaasada Jigjiga mid la mid ah in
Jubaland wakhtigan xaadirka laga dhaqan galin karo-wadan xor ah iyo mid aan
aheyn- ma is ku midbaa?
" Wuxuu soo
uruuriyay rag masuuliin ka wada ahaa DDS ITOOBIYA OO ISKU JUFO hoose yihiin in
la keenay waddankii oo xildhibaanno iyo Masuuliyiin loo magacaabay, dadkii u
dhashay Deegaanka ay marti ka noqdaan, hal hal ayaan u garaneynaa inaan farta ku fiiqno ma
dooneyno, kulligood
magacooda gadaal ka wada raaciyeen HEBEL KISMAAYO IYO HEBLO KISMAAYO, Adeer waa la is yaqaannaa!"
Haddii
ay jiraan cid aad hal-hal u garaneyso waad sheegi laheyd haddii ay xujo adag
kuugu noqonayso, balse ninka DDS haddii uu ka noqdo masuul Soomaaliya ama meel
kale, maxaa u diidi kara si la mid ah Ismaaciil Cumar oo ka soo jeeda
Ogaadeeniya waxa uu ka yahay madaxweyne Xeebta Jabuuti sidoo kale rag badan oo
siyaasada Soomaaliya ku jiray (Siyad Barre) jira ayaa gobalka Ogaden ka soo
jeeda. Maxaa midka Ogaadeen tuke canbaarle ka dhigaya?!! Kismaayo haddii la la
baxo iyo haddii kale waa mid qofka u taala imisa ayaa hebel ama heblaayo-Jabuuti
la baxday dunida joogta?
" Sheegashada Deegaanno aysan daganeyn – Adeer waa la is yaqaannaa dhulka sida loo kala daggan
yahay (Deegaankana waa ninka xoolaha ku haysta , iyo waraha , Caanaha
suuqa keena , Beeraha ku leh dhulka, "
Sheekadaadu
waa ku qabso ku qadimeyside , ka dib markii aad Saylac iyo Lughaye damaaciday ee
dadkii lahaa ay Ciise waraaboow widee ku dheheen miyaad kula soo dul ga'gabeysaa
Raas-Ogaadeen ama Kismaayo ? Malaha Jubaland haddii aynan ragaas geerida aan ka
cabsan joogi laheyn waxa ay noqon laheyd diinkii qalfoofka la'aa ee shinbiruhu u
heshiiyeen?
" Heshiisyo Shisheye sida in uu awood u leeyahay inuu
iibin karo dhulka soomaaliyeed, iyo badda Jubbooyinka iyo Contract-yada Petrolka
ee Jubba, iyo Jaziiradda Dekedda Kudhaa, Raaskaambooni!"
Jubaland
iyada ayaa xor u ah in ay heshiis la gasho shurkadkasta iyo dowlad kasta oo ay
dan u aragto in ay shidaal ka baadhi karto Kudha ,Raaskaambooni iyo meelo
kaleba, si la mid ah Somaliland, Puntland iyo maamul gobaleedyada kale ee
abuurmaya ee ku mideysan Federalism-ka. Waa Ciise kuwa China la soo saxeexday
heshiisyo la xidhiidhka shidaal ka qodis Ogaadeeniya,
tuumbooyin dhaadheer oo Jabuuti ilaa Jeexdin ah ku qalwaya si aad Dunida
caalamka ugu dhoofisaan sidii iyada oo aad iibin kartaan caro ayna dadkii lahaa
go'aan ka gaadhin-Itoobiyana horay ugu maaroweyday. Ama 40 mashruuc ka dhameyso
China ama boqol aniga oo Boosaaso heli kara shidaal Ogaadeen in Jabuuti laga
dhoofiyo waa tii saancad laga qaadaa.
E- In uu Ku mashquuliyo maatada rerkiisa Soomaali waa in aan iska
dhicinnaa! Wallaahi Wa Rabbul Kacba waxaad
arkeysaan adinkoo waayay meel ay xoolaha idiin daaqaan!
Halkuu
Ogaadeen inta uu ku shiray ku yidhi, Soomaali aan is ka dhicino? Nin waalan ayaa
la yidhi, "War dabka yuunan ku dhajin aqalka ee ka celiya, inta uu dabkii
qabadsiiyay ayuu dhahay waad i xasuusiseen markaa in aan Soomaali la is ka
celiyo ay jirto waadba na xasuusiseene agah! Waa laguu
iman iyada oo xuduudaha la adkeysanayo ee ha sugi waayin. Ilaahay in aadan ugu
dhaaran wax iman doono oo aadan cilmi qeybkeeda Alle ku la shuraakoobin ayaa
malaha kaaga haboonaan laheyd.
Raaskaambooni
(New Lyuu Police)
2- Waxaa hoggaamiya Maafiya Lyuu police oo khibrad u
leh ineey dadka xasuuqaan, Iyagoo hadda ka qafaashay gudaha Kismaayo in ka badan 1000
dhallinyaro oo darbi jiif ah Ahmad Madoobo oo arrinkaan ka soo koobbiyeeyay
Cabdi Ileey ayaa bilaabay hirgelinta Qorshaha iyo fulintiisaba.
Malaha
in ay Soomaalidu wax noqoto iyada oo Ciidamo ay isaga dhicineyso cadowgeeda iyo
Khawaarijta dhisaneysa. Ma odayaasha xeebtu daashatay iyo gabdhaha u heesa
K/taliye Ina-Geele ee aad Soomaaliya ku shaqaleysiisay ayaad raali iyo maqsuud
ku ahaan laheyd.
"Ugu
Dambeyn , Fadlan waan isku fahannay sheekada, ee loo joojin maayo xaqiiqdu waxa
ay tahay."
Anigu
dhalaanimo ayaan kugu bartay oo si la mid ah carruurta kale ayaa la igu seexin
jiray ka baqida gees is mariska xeebta. Aan kala weydaaranee Ciisa waraaboow,
maalin wacan. Aan ka la weydaaranee Ciisa waraaboow, maalin wacan.
" In laga gudbay Caqliyaddii QADDIYADDA Qabiilka ee
aad ka dhiganeysaan ARRINTA KALIYA dadkiinna aad ku dagaal gelineysaan, ADINKUNA KU FAA’IIDI MEYSAAN , QOFNA
MA JIRO OO WAX LOOGA QAADAYO, Berri Dambe adinka is Cuni doona."
In
dad lagu colaadiyo in ay ka tashadaan aayahooda iyo in ay wax noqdaan wax macno
ah oo ay sameynayso ma jirto. Is cunida aad sheegayso hadda ayaan ba is cunaa oo
mid la ii saraadinayo ma aha oo Liyuu iyo ONLF ayaa hadh iyo habeen is weera'ra.
Waanse ka bixi Idan Alle. Rageyguna dhawaan gacmaha wuu is qabsan.Cadowgoodana
meel wuu uga soo wada jeedsan.
"2-
Shisheeye Kenya iyo Ethiopia Waxay kaa dhiganayaan iney bohol ku geliyaan, ugu
badnaan toban sano kugu shaqeystaan, ka bacdina dadka markey kacaan lagu
yiraahdo xal ma heyside iska bax."
Kenya
iyo Itoobiya aniga ayay wax iga dhexeeyaan aniga ayayna dhul iga haystaan markaa
aniga ayaana dagaal ku la jira ee adigu meesha aad marka aad kacdo igu odhan
isaga baxa ee aan kaa haysto ma aanaan ka maqal awoowayaashano.
3- Anigana ku baryi maayo, ninkii
Dhoof ku yimid beey geeridu dhibeysaa, waa maalmo yar oo kaliya waxaad arki
doontaa sida Reerkaagu yiraahdo (EEDDEEY DABADDAA I GELI) inay ka
dhacdo.
Haddii
aad i baridana waa baryo xaq darro ah , dabcan qofkii dhoof ku yimid bey geeridu
dhibaysaa -si la mid ah sida ay uga huleeleen is bahaysigii Dooxada Juba iyo
Khawaarijta ayuu uga socon cid kasta oo raadisa dhul aysan laheyn. Timirtii
horeba loo dabwaa!
4-
Waxaan oggolnahay wax kasta oo ku dhisan Xalaal, walaaltinimo, wax wada qeybsi,
Cadalad, Horumar, Tanaasul 15%, si soomaalinimo loo hirgeliyo.
Taas
yaa laga helaa oo aan Ogaadeen aheyn ? Mida aad dooneyso soo aan wada qaato ma
aha marka aad ka dhigayso Ogaadeen mid aan dhul Soomaaliya ku laheyn isaga oo
dhulka ugu nimcada badan si ka duwan xeebta uu Ilaahay makaniyay.Adiguse
cadaalad halkeed ku sameysay aad cadaalad raadiside.
5- Inta Caqliga iyo Xikmadda u saaxiibka ah ee
REERKAAGU ha Ogaadaan inan ka dignay maanta waxa dhici doono, laga bilaabo maantana la iska kiin
dhicin doono ILEEY IYO MADOOBE!
Kolna
taagtaa, kolna tabartaa. Waxa la odhan jiray, Ogaadeen nin maqleyna sigay,
nin arkeyna dhiman. sidoo kale, waxa la odhan jiray qaan Ogaadeen waa qaaxo kugu
maqan.Anna waxa aan dhahaa , dhakhtarkii dagaalkiyo dhiiranuhu waa ani, waa
anii. Wax aan kaa heysto oo aan ka aheyd madaaci waalan oo dhulboob nimo ah
mooyee, ma ogi anigu. "Ragow Damaca waa lagu hufaaye kaas ha la ogaado."
Waxa
aan ku soo gunaanadi lahaa qormadeyda, marka uu qof aan sooyaal taariikheed oo
la taaban karo laheyn waa gar in uu xag-xagashada badiyo is la markaasna
qeylo-quute noqdo isaga oo is leh jiritaankaaga muuji.